Sign in to follow this  
Deeq A.

Qunsulkii Itoobiya U Magacawday Somaliland Oo Soo Gaadhay Hargaysa.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargaysa) Waxaa shalay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland soo gaadhay qunsulka cusub ee ay dawladda Itoobiya u soo magacowday Somaliland danjire Shamsudiin Axmed Rooble.

Ma jiro wax war ah oo ay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo Qunsuliyada Itoobiya ka soo saareen imaanshaha danjirahan cusub, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in danjire Shamsudiin uu shalay ka soo degay madaarka Cigaal ee Hargeysa.

A0A07644-1FD5-4943-9E17-D5A890F3FA98.png

Ma jirin cid ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo qunsulkan cusub ku soo dhawaysay madaarka Cigaal.

Danjire Shamsudiin ayaa bedeli doona qunsulkii hore ee Itoobiya Berhe Tesfaye oo muddo toban sannadood ah ahaa qunsulka Itoobiya u

jooga Hargeysa.
Imaanshaha diblomaasigan cusub ee ay Itoobiya u soo dirtay Somaliland, ayaa wuxuu meesha ka saarayaa warar ay warbaahinta Soomaaliya muddooyinkii u dambeeyay baahin jirtay oo ahaa inay Itoobiya doonayso inay hoos u dhigto xidhiidhka ay Somaliland la leedahay, ka did markii ay u yeedhay qunsulkii hore Berhe Tesfaye.

Qunsulkan cusub ayaa ah diblomaasi sare oo Itoobiya safiir uga noqday dalalka Kenya iyo Djibouti, waxaanu ka mid yahay diblomaasiyiin tiro badan oo ay Itoobiya u magacowday safaaradaheeda iyo qunsuliyadeedaha dunida ku kala yaala.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this