Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Sh/hoose Oo Ka Hadlay Ciidanka DFS Geysay Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey ciidamo badan oo dhowaan dowladda federaalka ay geysay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Guddoomiyaha gobolkaasi, Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in ulajeedka ciidamadan loo geeyay ay yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga degmadaasi.

Waxa uu tilmaamay in maamulkooda uu gacan weyn siinayo ciidamada sugaya amniga degmada Afgooye.

“Ciidamadan xilligii la rabo ayaa la geyn karaa Afgooye, mana ahan in munaasabad gaar ah loo geeyo waxay sugayaan ammaanka degmada Afgooye, waana soo dhoweynay ka maamul ahaan waana la shaqeyneynaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan waxa ay ciidamo badan geysay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, kuwaasi oo weli wada howlgallo ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this