Sign in to follow this  
Deeq A.

Yariisow Oo Ka Hadlay Dhismaha Maqaamka Muqdisho Sanad Kadib Ceyrintii Thabit

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow ayaa markii ugu horeysay sanad kadib magacaabistiisa waxaa uu ka hadlay maqaamka Muqdisho.

Lama oga sababta xilliga ku soo beegay, laakin waxaa uu dadweynaha u sheegay in sanadkan uu yahay midkii maqaamka Muqdisho.

Cabdiraxmaan Yariisow oo arrintaasi ka hadalaya waxaa uu yiri “Sanadkan waa sanadkii u diyaar garowga doorashooyinka, waa sanadkii dhameystirka dib u eegista, sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda aayahooda uga tashan lahaayeen, ulana mid noqon lahaayeen gobollada dalka aan u istaagno, isla markaana aan ka dhabeyno in shacabka Muqdisho ay ku helaan matalaad ha noqoto aqalka sare, ha noqoto golaha shacabka, isla markaana ay noqon doonaan gobol la mid ah gobollada kale, xuquuqda gobollada kale ay heleenna ay heli-doonaan, taasina waxaa ay ku iman doontaa wadajirkeenna, midnimadeenna iyo in aan umadda Soomaaliyeed tusno in aan hormuud u nahay”.

Arrinta uu Yariisow ka hadlay waxaa laga hadlayey 7-badii sano ee ugu dambeysay, waxaana xilka ku waayey duqii isaga ka horeeyey ee isaga lagu badalay.

Thaabit Cabdi waxaa uu Janaayo sanadkii hore magaalada Muqdhiso uga dhawaaqay inuu qabanayo shir loogu magac daray “nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir”, arrintaas oo aaney  raalli ka aheyn dowladda federaalka ah.

Xil Ka Qaadistii gudoomiyihii hore gobolka Banaadair Thaabit Cabdi: xil ka qaadista Thabit waxay dhacday  January 21, 2018, waxaa ay ka dambeysay arrimo la xiriira awoodda iyo maqaamka Muqdisho, xilkiisa waxaa lagu badalay oo noqday gudoomiyaha gobolka  wasiirkii warfaafinta xakuumadda Xasan Cali Kheyre Eng Cabdiraxmaan Cumar Yariisow.

Thabit Cabdi oo ka jawaabay ceyrintiisa waxaa uu sababta ku sheegay labo arrin: Xasiloonida iyo nabad-galyada gobolka Banaadir iyo shirkii nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this