Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Gaalkacyo oo sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Gacan ku dhiigle dil ka geystay Magaaladaasi.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo ( Sh.M.Network):-Gaashaanle dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe oo ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen nin uu ku sheegay in uu yahay Gacan ku dhiigle dil u geystay Ganacsade can ka ahaa Magaalada Gaalkacyo.

Taliye ku xigeenka ayaa xusay in baaritaanno ay ku hayaan shaqsigaan ku eedeysan falkaasi dilka ah.

Waxaana uu ku nuux nuuxsaday in dilalka ku soo noq noqda Magaalada Gaalkacyo ay sabab u yihiin hubka buux dhaafiyay Magaaladaasi Gaalkacyo kaas oo haatan ay qorsheynayaan in ay wax ka qabtaan.

Ninkaan ay sheegeen Booliska Gaalkacyo in ay gacanta ku soo dhigeen ayaa lagu eedeeyay in uu dilay Ganacsade Magaciisa lagu soo gaabiyay Bashiir  shalay Galinkii dambe , waxaanta haatan uu ku jiraa Xabsi ku yaallo Magaalada Gaalkacyo.

Dilkaan ayaa loo sababeeyay kadib muran dhexmaray Marxuumka iyo Ninka falkaasi dilka ah geystay.

 

 

The post Booliska Gaalkacyo oo sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Gacan ku dhiigle dil ka geystay Magaaladaasi. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this