Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Muqdisho oo markii ugu horreysay ka hadlay Maqaamka Magaalada Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in sanadkan uu yahay sanadkii dadka reer Muqdisho ay heli lahaayene matalaadooda, ayna ula mid ahaan lahaayeen gobolada kale ee dalka.

Eng. Yariisow ayaa hadalkaan ka jeediyay  degmada Yaaqshiid oo uu kaga qeyb galayay Munaasabad halkaas lagu qabtay, isagoo markii u hoerysay soo hadal qaaday arrinta Maqaamka Muqdisho oo aan weli cadeyn, isla markaana ka jiro muran siyaasadeed.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in Sanadkaan uu yahay sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda uga tashan lahaayeen aayahooda, islamarkaana ula mid noqon lahaayeen goboladakale ee  dalka

Ugu dambeyn ayuu Carabka ku adkeeyay Mudane Engineer Yariisow in  xuquuqda Gobolada kale ay heleen oo kale ay heli doonto Muqdisho, taas oo uu xusay in ay ku imaan doonto wadajirka iyo midnimada dadka reer Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

The post Duqa Muqdisho oo markii ugu horreysay ka hadlay Maqaamka Magaalada Muqdisho. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this