Sign in to follow this  
Deeq A.

Shan caqabadood iyo Shan fursadood oo hor-yaala Madaxweynaha dooran ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Saciid Cabdullaahi Deni oo ah ganacsade u xuubsiibtay siyaasi ayaa loo doortay Madaxweynaha Puntland ee shanta sano ee soosocota, Madaxweyne Deni oo lagu tilmaamay musharixii ugu loolanka adkaa mudadii doorashadu socotay ayaa siweyn loogu saadalinaayey asbuucyadii u danbeeyey inuu yahay mid kamida musharixiinta ku guulaysan kara kursiga madaxweynaha.

Maxay yihiin Caqabadaha horyaala Madaxweynaha Cusub?

Madaxweynaha waxaa horyaala caqabado fara badan oo ka gudbidoodu ku xiraan doonto hadba sida ay noqdaan tayadda xubnaha uu u xusho gollihiisa xukuumada iyo hawl-wadeenada kale ee Dawlada, waxaana kamida caqabadahaas:-

  1. Wajihidda xaaladaha ka taagan gobalka Sool, gaar’ahaan degaanka Tukaraq oo ay isku hor fadhiyaan ciidamadda Puntland iyo Somaliland, waana caqabad saamayn ku yeelan doonto Dawlada curdinka ee Madaxweyne Deni, la tacaalideeduna waxay u baahnaan doontaa juhdi iyo dadaal maadama ay halkaas isku hor fadhiyaan labba ciidan oo xili walba dagaal ka dhex qarxi karo.

 

  1. Wajihidda Kooxaha xag-jirka ee kujira buuraha Calmadow iyo buuraha Cal-Miskaat oo ah Daacish iyo Al-shabaab, kuwaas oo khatar badan ku ah amniga magaaladda ugu muhiimsan Puntland ee Bosaaso, waxaana Madaxweynaha cusub laga sugaaya inuu si dhaqso ah uga hawlgalo xakmaynta iyo suulinta kooxahan khatarta ku ah Puntland.

 

  1. Wax ka qabashadda dhaqaalaha Puntland oo u muuqda mid si aada hoos ugu dhacaayey sanadihii u danbeeyey sida sicirka sarifka shillinka Soomaaliga iyo lacagaha qalaad oo sicir barar baahay laga dareemaayo.

 

  1. Heshiisyada ay ka tagtay xukuumaddii horre sida heshiiska dekadda Bosaaso ee ay mudada 30-ka sano ah ku wareejisay maamulkeeda shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee DP World, taas oo uu Madaxweynuhu horay u ballan qaaday inuu dib ugu noqon doono heshiiskaas hadii madaxweyne loo doorto, Dadka Puntland intooda badan heshiiskaas waxay u arkaan mid aan sax ahayn.

 

  1. Khilaafka ka dhex alloosan Dawlad gobaleedyada iyo Dawlada Federalka oo ay Puntlandna hormuud u ahayd madasha ay ku midaysan yihiin Dawlad gobaleedyadu, waxayna dadka falanqeeya arimaha siyaasadu sheegayaan in khilaafka Dawlada dhexe iyo Dawlad gobaleedyadu noqon doono hadba sida uu u wajaho madaxweynaha cusub ee Puntland.

Fursadaha horyaala Madaxweynaha cusub?

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni waxaa horyaala fursado muhiima oo ay tahay inay si wanaagsan u wajahdo xukuumadda uu hogaanka u hayoo, waxaan kamida Fursadahaas:-

  1. Kasbashada umadda Puntland mucaarad iyo muxaafidba oo ah arin aad u muhiima kuna xiran hadba sida ay noqoto tayada iyo wax qabadka xukuumada uu majaraha u hayo.

 

  1. Dhismaha Ciidamo dhab ah oo ay Puntland yeelato, maadama ciidamada ay ka jiraan dayacyo iyo kala yaacsanaan badan, waxaana muhiima in la qarameeyo oo la isku dhafo ciidamada tirada badan ee ku sugan deggaanka Tukaraq oo ay kamid yihiin ciidamada ay beeluhu soo ururiyeen.

 

  1. Ku dhaqanka Miisaaniyada Dalka, taasi waxay rumayn doonta in Dawladu beekhaamiso kharashaadka ku baxa, ayna si joogta ah u bixiso xaquuqda shaqaalaha iyo ciidamada Dawlada oo ah hada kuwo aan u bixin sidii ay ahayd, kana mida caqabadaha u waaweyn ee Dawlada Puntland haysta. Waxaana xusid mudan hadii Dawlada Madaxweyne Deni kaga *****so joogteynta xaquuqaha shaqaalaha rayidka iyo ciidamada Dawlada inay guul weyn gaari doonto.

 

  1. Isku soo dhawaynta Dawlada Federalka iyo Puntland oo ay wax badan iskaga xiran yihiin iyo ka odayeynta iyo heshiisiinta Dawlada dhexe iyo Dawlad gobaleedyada oo ah fursad muhiima oo u banaan Madaxweynaha cusub ee Puntland, taas oo hadii uu sameeyo u noqon doonta fursad baal-dahaba ugu qoranta.

 

  1. Dhamaystirka mashaariicda ay ka tagtay xukuumadii horre iyo raadinta mashaariic cusub.

Dadka reer Puntland ayaa u muuqda inay si taxadar ku jirro ay usoo dhaweeyeen Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku-xigeenkiisa, waxaana laga fillaayaa inay ka dhabbeeyeen isbadelkii ay balan qaadeen.

PUNTLAND POST

The post Shan caqabadood iyo Shan fursadood oo hor-yaala Madaxweynaha dooran ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this