Deeq A. Posted January 10, 2019 Booqashadii uu Xoghayaha Gaashaanidhigga ee Biritayn, Gavin Williamson toddobaadkii hore ku tagay Hargeysa waa tilmaan muujinaysa in kalsoonidii ay dowladda Biritayn ku qabtay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay sii yaraatay. Sanadkii 2012kii ayay dowladdii uu hoggaaminay David Cameron abaabushay Shirkii London ee Soomaaliya. Shirkaasi wuxuu dhabbaha u jeexay soo gabagabayntii dowladdii ku meelgaarka ahayd. Mid ka mid ahaa qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkaas wuxuu dhigayay in lacagta Soomaaliya loogu yabooho la soo mariyo guddi wadajir ah oo dowladda iyo deeq-bixiyeyaashu xubno ka yihiin ( Joint Financial Management Board) . Guddigaasi muu dhaqangelin waayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muu ku qasbanayn inuu qaato qodobbo madaxdii Soomaalidu isku raceen waqti dalku lahaa dowlad ku meel gaar ah. Guddigii wadajirka ahaa waxaa beddelay Guddiga Maamulka Maaliyadda ( Financial Governance Committee) oo hadda ku dabajira hantidii dowladda oo uu maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iibiyay ama kireeyay— gaar ahaan hantida dowladdu ku leedahay Muqdisho. Dowladda hadda jirta, oo dhowaan laba jirsan doonta, ayaa ka dambaysay dowladdii kowaad oo aan ku meelgaar ahayn. Inkastoo dowalddu leedahay awoodo ay heshiisyo kula gasho shirakdo shisheeye, may laha awoodda maamul oo ay dowlad dalka oo dhan ka talisa in ay yeelato lagama maarmaan tahay. Federaalnimadu waxay ka caawisay dowladda hadda jirta inay ka faa’iidaysato gefefkii dowladdii hore oo isku dayday inay noqoto dowlad lagu aamino yabooha Soomaaliya loo soo ururiyo. Dowladda hadda jirta may qaadin waddadaas oo waxay aqbashay awoodyarideeda waxayse si aan gabbasho lahayn u adeegsatay awoodda ay ku bixin karto shatiyo kalluumaysi ama ay ku iibin karto ceelal saliid laga baarayo oo ku yaalla xeebaha Koonfurta Soomaaliya. Taageerayaashii maamulkii hore way qaadan la’ yihiin dhiirranaanta Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ku saxiixdo heshiisyo waaweyn. Dadkii u doodi jiray dowlad dhexe oo awood-badan waxay maanta u doodayaan federaalnimo. Dowladda Biritayn waxay qabatay laba shir ( 2013kii iyo 2017kii) waxayse hadda u muuqataa inaysan la dhacsanayn siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka Soomaaliyeed war kama soo saarin booqashada Xoghayaha Gaashaandhiga ee Biritayn ku tagay Hargeysa. Booqashadani waxay keentay jahwareer diblomaasiyadeed: Wafdiyada heer sare oo ka socda Biritayn waxay ku soo horreyn jireen Muqdisho si ay u muujiyaan siyaasaddooda ku salaysan dhowrista midnimada siyasasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya. Gavin Williamson wuxuu kormeeray xarunta Ciidammada Somaliland ee Hargeysa oo wuxuu kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Booqashadani waa suurtogal inay hordhac u tahay siyaasad dowladda Biritayn ay si toos ah kula shaqaynayso maamul federaaleedyada Soomaaliya oo badankood hadda ka cabsiqaba awoodda sii korodhay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Inkastoo Biritayn ay ku sugan tahay xaalad siyaasadeed oo ay keentay aftidii Biritayn kaga baxday Midowga Yurub, dalal badan oo Soomaaliya ku howlan waxay ku qaddariyaan Biritayn kaalinta ay ku leedahay unkidda hey’adaha dowladda federaalka. Waxaa hadda muuqata in Biritayn aysan ku qanacsanayn maamulkii ay samaysankiisii kaalinta ku lahayd. Soomaaliya waxaa ku loollamaya dowlado badan. In ka badan 95% yabooha Soomaaliya magaceda lagu soo ururiyo waxaa la siiyaa ciidammada nabad-ilaalinta ee Midowga Africa (AMISOM). Dowladdii hore iyo tan hadda laba jirsan doonta midna kuma guuleysan yaraynta ku tiirsanaanta ciidammada nabad-ilaalinta. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa shirkii 2017kii lagu qabatay London ka sheegay in AMISOM ay Soomaaliya u joogto ka hortagista halis dunida ku soo wajahan. Madaxbannaanida Soomaaliya, oo ah labada erey oo ay Dowladda Federaalku adeegsatay markii ay qaadatay go’aankii erinta ergeyga Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya, waa halkudhegyo madhan marka la eego aqoonsiga Dowladda Federaalku haysto oo aan ku sargo’nayn awooddeeda maamul heer qaran. Booqashada Gavin Williamson waxay hoosta ka xarriiqday xujooyinka horyaalla Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo maarayn kari la’ danaha isdiiddan ee dalalka Soomaaliya la shaqeeya. W.Q. Liibaan Axmad Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites