Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo balanqaad u sameeyay madaxweynaha cusub fariinna u diray Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe ayaa sheegay in shacabka Puntland ka filayaan inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland ay u baahan tahay in si midnimo iyo Wadajir ah ay kaga shaqeeyaan horumarinta deegaanka iyo kor u qaadida xaalada amaanka ee Puntland.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku qabo kalsooni buuxda oo la xiriirta inuu wax ka qaban karo amaanka iyo horumarinta deegaanada maamulka Puntland.

Shacabka Puntland ayuu sheegay in xiligan looga baahan yahay inay muujiyaan Midnimo iyo Wadajir oo ay si dhab ah ula shaqeeyaan madaxweynaha Cusub ee Puntland.

“Puntland waa mid, waxaan u baahannahay midnimo iyo Wadajir, madaxweynaha cusub waan ku kalsoonahay, waana nin shaqadiisa kasoo bixi kara, shacabkana waxaa ugu baaqayaa iney la shaqeeyaan” ayuu yiri Gaas.

Dhanka kale, C/weli Gaas ayaa ballanqaaday in haddii madaxweynaha cusub uu uga baahdo talo iyo la shaqeyn uu xilli walbo diyaar u yahay inuu waayo-aragnimadiisa ku biiriyo.

Caasimada online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this