Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo baxay kulankii muhiimka ahaa ee xarunta xisbiga UPD ka dhacay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka mid ah madaxda Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka (NIEC) oo ay hogaaminayso Guddoomiyaha guddigaas Marwo Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa booqday xarunta Xisbiga Qaran ee UPD, ayagoo kulan waqti Dheer qaatay halkaas kula yeeshay guddoomiyaha Xisbiga UPD Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoga-hayaha Guud Md. Axmed Macallin Fiqi.

Ujeedka booqashada madaxda guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa qeyb ka aheyd booqashooyin ay ku kala bixinayeen xarumaha xisbiyada qaran ee diiwaangashan, si loogu kuurgalo habsami u socodka hawlaha xisbiyada, iyo in xisbiyada la diiwaangeliyay ay yihiin kuwa shaqaynaya iyo in kale.

Mas’uuliyiintii ka socday Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo madaxda xisbiga UPD ayaa is-dhaafsaday aragtiyo lagu hormarin karo hawlaha xisbiyada iyo abuuridda jawi dimuqraadi ah oo suuratagalin kara in xisbiyadu si xor ah hawlahooda ugu qabsan karaan, isla markaana loo heli karo nidaam bulshada loogu wacyigelin karo nidaamka axsaabta badan iyo faa’idooyinkiisa,

Xubnaha ka socday guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa bogaadiyey habsami u socodka hawlaga xisbiga UPD iyo xaruntiisa cusub-ba, waxaana madaxda xisbigu soo dhoweeyeen hawlaha kormeerka guddigu ay wadaan iyo dadaalka guddigani ku bixinayo in dalka ay ka dhacdo doorasho hufan, oo u dhacda qaab daahfuran oo xisbiyaduna ay kaalintooda ku leeyihiin.

49756203_2069102716517304_33723700956102 50068668_2069102816517294_63896521508210 49781210_2069102879850621_83422319052104

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this