Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Difaaca XFS oo booqday Isbitaalka Martini

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed [Amar-dambe] oo uu wehliyo wasiiru-dowladaha wasaarada iyo xubno kale, ayaa maanta booqday Isbitaalka ciidaamda xooga dalka ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Isbitaalka oo loo yaqaano “Martini” kaasi oo saameyn uu ku yeeshay dagaaladii dalka ka dhacay, ayaa waxa uu Hoy uyahay halyeeyadii ku naafoobay dagaalkii 1977-dii ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

“Waxaan ka dhageysanay baahiyaha gaarka ah oo ay qabaan,” ayuu Wasiirku u sheegay warbaahinta, isaga oo intaasi raaciyay inay dowladdu kasoo jawaabi doonto waxyaabaha ay ubaahan yihiin.

Booqashada wasiirka ayaa waxay kusoo aadeysaa iyada oo dhowaan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya uu meel-mariyay sharci xuquuq-siinaya ciidamadda qaranka usoo halgamay iyo kuwa haatan difaaca dalka ku howlan.

The post Wasiirka Difaaca XFS oo booqday Isbitaalka Martini appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this