Deeq A. Posted January 9, 2019 Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay duulaan ku yihiin degmada Bu’aale oo caasimadooda ah si ay halkaasi uga saaraan dagaalyahannada Al-shabaab. Madaxweynaha maamulkan, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa u sheegay warbaahinta isaga oo ku sugan degmada Afmadow iney soo gabagabeeyeen isku diyaarintooda howlgalladan. Axmed Madoobe ayaa sheegay in gobolka Jubbada Dhexe dhan ay doonayaan iney ka saaraan Al-shabaab islaamarkaana dhowr jiho ay ka weerari doonaan waa sida uu hadalka u dhigaye. Shacabka ayuu ugu baaqay in kaalin ay ka qaataan sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen guud ahaan deegaannada Jubbaland. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/AXMED-MADOOBE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites