Deeq A. Posted January 9, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta u dhoofay dalka Jordan oo uu uga qayb galayo shir ay leeyihiin madaxda wadamada Carabta oo looga hadlayo Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka. Shirkaan oo diiradda lagu saarayo hanaanka wadamada Carabtu isaga iskaashanayaan hagaajinta deegaanka iyo arrimaha la xariira is-bedelka cimilada aduunyada ayaa waxaa sidoo kale ka qayb gelaya hey’adaha caalamka ee ka shaqeeya deegaanka iyo is-bedelka cimilada aduunyada. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay Soomaaliya oo kamid ah dalalka dhibaatada badan ku qaba xaalufinta iyo jaridda dhirta iyo waxyaabaha kale ee laga dhaxlo ee ay kamidka yihiin fatahaadda iyo abaaraha. The post R/wasaare Ku-xigeenka XFS Oo u dhoofay Dalka Jordan appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites