Deeq A. Posted January 9, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya loogu geystay gudaha M/ Muqdisho. Dilkan oo ka dhacay isgoyska Ex Koontarool Afgooye , gaar ahaan qeybta xigta degmada ayaa waxaa loo geystay laba Askari oo ka tirsanaa Ciidanka milatariga Soomaaliya. Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay fuliyeen weerarkaasi, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay dilka Askartaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in Dagaalyahanno ka tirsan kuwooda ay fuliyeen weerarkaasi, kadibna ay si nabad galyo ah uga baxsadeen goobtaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa beegsada saraakiisha iyo askarta Ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho. The post Dabley hubeysan Oo askar ku dishay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites