Deeq A. Posted January 9, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ku xigeenka ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Raisedon Senenga ayaa hambalyo u diray madaxweyanha cusub ee Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Kaaraash ,kuwaasi oo ku guuleystay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Sidoo kale Amabasdor Senanga ayaa bogaadiyay guddiga doorashooyinka Puntland, kuwaasi oo uu sheegay in ay suura galiyeen in doorashadu ay u qabsoonto qaab daahfuran oo nabdoon, islamarkaana ah xor iyo xalaal. Ku xigeenka Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonan madaxda cusub ee maamulkaasi. Mr Senenga ayaa sidoo kale amaan u jeediyay madaxweynahii hore ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, waxaana uu xusay in guddiga doorashooyinku usuura galiyay in qabtaan hanaankii doorashooyinka ee guuleystay. Shalay ayey aheyd markii Madaxweyanaha cusub ee Puntland loo doortay Saciid Deni, halka ku xigeenka maamulkaasina loo doortay Axmed Karaash. The post QM Oo hambalyo u dirtay madaxda cusub Ee Puntland appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites