Deeq A. Posted January 9, 2019 Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/laahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha amniga ee maamulkaasi. Kulanka oo ahaa mid deg deg ah ayaa waxaa looga hadlay xoojinta ammaanka deegaanada maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa ku booriyay saraakiisha amniga adkeynta nabadgalyada iyo sidoo kale in ay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin shacabka Puntland. Waa kulankii ugu horreeyay oo uu Madaxweynuhu la qaato saraakiisha amniga, tan iyo shalay markii lagu doortay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. The post Madaxweyne Deni Oo la kulmay saraakiisha amniga Puntland appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites