Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha cusub ee Puntland oo booqday qasriga madaxtooyadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha cusub ee Dawlada Puntland Dr Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqday qasriga madaxtooyada ee magaalada Garowe isaga oo halkaas kula kulmay madaxweynaha xilka ka degaaya Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

FAA-GAAS.jpg?resize=720%2C601&ssl=1Madaxweynaha la doortay ee Puntland(Saciid Deni) iyo Madaxweynaha talllada ka degaaya(Cabdiwali Gaas)

Madaxweyne Deni waxaa qasriga madaxtooyada kusoo dhaweeyey hawldeenada madaxtooyada iyo qaar kamida masuuliyiinta xilka kasii degaaya oo kamid yahay madaxweyne Gaas.

booqashada Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa kusoo aadaysa xili ay xukuumadii hore diyaarinayso sidii ay xilka ugu wareejin lahayd Dawlada cusub ee talada la wareegtey.

Doorashadii Puntland ayaa muujisay bisaylka iyo ilbaxnimada umadda Puntland, waxaana doorashadan amaanay dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo Dawlado caalami ah.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha cusub ee Puntland oo booqday qasriga madaxtooyadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this