Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo u hambalyeeysay madaxda cusub ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilka gaarka ah ee urur goboleedka IGAD u qaabbilsan Soomaaliya, Dr, Maxamed Cali Guuyo, ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Maxamed Deni ee shalay la doortay.

Wuxuu sidoo kale u hambalyeeyay dhammaan tartamaashii xilka madaxtinimo ee Puntland, isagoo madaxweynaha cusub kula dardaarmay in uu la yimmaaddo hufnaan iyo maamul wanaag,islamarkaana uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka iyo maamullada Dalka ka dhisan.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya(UNSOM) ayaa hambalyo iyo bogaadin loogu diray hoggaanka cusub ee dowladda Puntland,waxaana ay sheegeen in ay si dhow ula shaqeyn doonaan madaxda cusub.

PUNTLAND POST

The post Beesha Caalamka oo u hambalyeeysay madaxda cusub ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this