Sign in to follow this  
Deeq A.

Telefishanka Qaranka Oo Hawada Ka Baxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Tilifishanka qaranka Somaliland qaybtiisa gudaha Hargeysa laga daawado ayaa xalay hawada ka baxay.

Ma jiro wax war ah oo ay wasaarada warfaafintu ka soo saartay ciladan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya inay ciladi ku timid taraasmiitarkii uu ku shaqaynaayay oo muddo dheer aan laga badalin.

Sida ay wararku sheegeen Taraasmiitarkan ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay lagu soo waramaayay in cilad ay la soo daristay taas oo aan waxba laga qaban, waxaana ugu danbayntii uu xalay Telefishanku qaybtiisa maxaliga ahi ka baxay hawada.

Qaybta gudaha ee Telefishanka qaranka ayaa dhawr sannadood ka hor sidan oo kale u fadhiisatay, laakiin xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ayaa wakhtigaas u iibisay taraansimiitarkan hadda ciladoobay.

Farsamayaqaanada Telefishanka qaranka ayaa la sheegay inay xalay fiidkii aad ugu mashquuleen inay xaliyaan ciladan, laakiin kumay guulaysan.

Geeska

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this