Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Waa Maxay Shaqooyinka Ugu Horreeya Ee Horyaalla Madaxweynaha Cusub Ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa shalay lagu doortay madaxweynaha cusub ee Puntland, iyadoo xilkaasi loo doortay Saciid C/laahi Dani.

Maxamed C/laahi Fadhaye waa xildhibaan hore, horeyna wuxuu uga soo shaqeeyey wasaarado kala duwan oo Puntland, wuxuu Goobjoog u sheegay in wax badan ay horyaallaan madaxweynahan cusub.

Wuxuu tilmaamay in waxyaabaha looga baahan yahay ka mid yihiin isku keenista dadka Puntland, wax ka qabashada arrimaha ammaanka iyo sidoo kale dhaqaalaha.

Fadhaye ayaa sheegay in Dani uu yahay shaqsi wax badan ka bedali kara xaaladda Puntland islamarkaana yahay shaqsi uu aqoon dheer u leeyahay waxqabadkiisa.

Halkaan hoose ka daawo:


Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this