Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: IGAD Oo Hal Arrin Ka Dalbatay Madaxweyne Dani

Recommended Posts

Deeq A.   

Urur goboleedka IGAD oo goob joog ka ahaa doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa qoraal kasoo saaray sida ay wax u dhaceen.

Maxamed Cali, wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashadaasi ay soo dhoweynayaan qaabka ay u dhacday una hambalyeenayaan madaxweyne Dani.

Waxa uu sheegay in ay arkeen doorasho si xalaal ah uga dhacday magaalada Garoowe, walibana si buuq la’aan ah.

Dhanka kale, IGAD ayaa ka dalbatay madaxweynaha cusub ee Puntland in wadashaqeyn uu la yeesho dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this