Sign in to follow this  
Deeq A.

Baasto “Waa mid loo baahnaa is bedalka ku yimid Puntland”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha maamulka Galmudug ee garabka Cadaado Axmed Maxamuud Xasan “Axmed Baasto’ oo la hadlay Shabelle ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay qaabka ay u dhacday doorashada Puntland, laguna doortay hoggaan cusub.

Axmed Baasto ayaa shaaca ka qaaday is bedalka ku yimid maamulkaasi iyo guud ahaan dowlad goboleedyada kale uu yahay mid loo baahnaa,xilligani.

Waxaana uu intaasi ku daray in uu dhamaaday waqtigii khilaafka, islamarkaana looga baahan yahay madaxda cusub in ay wada shaqeyn dhab ah la yeeshaan DFS.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-c-qani.mp3

The post Baasto “Waa mid loo baahnaa is bedalka ku yimid Puntland” appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this