Deeq A. Posted January 9, 2019 Addis Ababa ( Sh. M. Network )-War-Saxaafadeed ka soo baxay Urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlay doorashada hoggaanka Puntland oo shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. IGAD ayaa ugu horreyn soo dhaweysay, una hambalyeysay madaxda cusub ee dowlad goboleedka Puntland. Ergayga Urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr Maxamed Cali (Guuyo) ayaa tilmaamay in doorashadani ay aheyd mid u dhacday qaab xor iyo xalaal ah oo ay dimuquraadiyad ku dheehan tahay. Dr Guuyo ayaa boggaadiyay maamulka Puntland, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Oday Dhaqameedyada iyo cid kasta oo qeyb ka qaadatay doorashadaasi. Sidoo kale waxa uu ku amaanay madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Gaas doorkii uu ka qaatay habsami socodka howlaha doorashooyinka iyo horumarinta maamulkaasi. Ugu dambeyn Ergayga IGAD ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda cusub ee maamulka Puntland in ay wada shaqeyn dhow la yeeshaan dowladda Soomaaliya. The post IGAD Oo soo dhaweysay doorashada maamulka Puntland appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites