Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakiilka Somaliland ee Kenya oo xog dheeri ah ka bixiyay safarkii W/Gaashaandhiga UK ee Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Safarii maalmo ka hor uu ku tagay magaalada Hargeysa wasiirka gaashaandhiga dowladda UK ayaa banaanka keenay loolanka adag ee loogu jiro Somaliland.

Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Moorgan ayaa shaaca ka qaaday in safarka xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska ee Hargeysa uu banaanka keenay qorshaha dowladda UK ka leedahay Somaliland.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa shaaciyay in UK ay damacsan tahay inay saldhig ciidan ka sameysato agagaarka magaalada Berbera ee Somaliland, halkaasi oo dowlado badan ay daneynayaan.

Loolanka Imaaraatka Carabta, Ruushka iyo UK ayaa hadda u muuqda mid laga dareemayo deegaanada Somaliland, waxaana dhamaan dowladahaasi ay doonayaan inay saldhigyo ku yeeshaan Somaliland.

Imaaraatka Carabta ayaa heysta ogolaanshaha uu saldhig meletari kaga sameysanayo Berbera, waxaana saldhigaasi la sheegaa inuu yahay mid Imaaraatka uu ka damacsan yahay inuu kala dagaalamo xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Daacish.

Safarkii wasiirka gaashaandhiga UK ee Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday qorshaha UK ee ay dhawaan shaaciyeen, kaasi oo ahaa inay saldhigyo ka sameysanayaan Africa, waxaana Somaliland ay noqotay meesha ugu horeysa ee xooga ay saareen.

Sidoo kale dowladda Ruushka ayaa dooneysa inay saldhig ciidan ka sameysato agagaarka magaalada Saylac, waxaana halkaasi ka muuqda in loolan adag loogu jiro saldhig ciidan oo laga sameysto gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this