Sign in to follow this  
Deeq A.

Shan caruur ah Oo ku Geeriyootay qarax ka dhacay Qoryooley

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoryooley ( Sh. M. Network )-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in maanta qarax ay caruur wax ku noqdeen uu ka dhacay gudaha degmada Qoryooley ee gobolkaasi.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ka dhashay walxo qarxo oo ay ku ciyaarayeen Caruurtaasi.

Ugu yaraan 5 caruur ah ayaa ku Geeriyootay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmadaasi Seyd-Cali Ibraahim Xasan.

Guddoomiyaha oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee magalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay qaraxaasi.

Hakan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-qoryooley.mp3

 

The post Shan caruur ah Oo ku Geeriyootay qarax ka dhacay Qoryooley appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this