Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo fahfaahiyay duqayn uu ka fuliyay Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inuu weerar cirka ah kula beegsaday xoogag ka tirsan Al-Shabaab, degaanka Baqdaad, oo xiriiriya degmooyinka Balcad iyo Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo Balcad.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa tilmaamay in duqaynta oo dhacday shalay oo Isniin ahayd ay ku dileen afar [4] kamid ah xubnaha Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa meesha ka saartay in howlgalkaan ay qaadeen uu ka dhashay khasaaro soo gaarey dad shacab ah.

Illaa iyo haatan ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan duqayntaan oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab.

Waa duqayntii 3aad oo uu Mareykanku ka fuliyo Soomaliya tan iyo markii uu bilowday sanadkaan 2019.

The post Mareykanka oo fahfaahiyay duqayn uu ka fuliyay Somalia appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this