Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Madaxweynaha cusub oo xannibay dhammaan kharashaadka dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xannibaad ku soo rogay dhammaan Kharashaadka dowladda ee ku kaydsan,bankiga dhexe iyo xisaabaadka ay dowladda Puntland ku leedahay xawaaladaha gaarka loo leeyahay.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo lagu socod-siiyay wasaaradda maaliyadda,bangiga dhexe ee dowladda,xisaabiyaha guud ee Puntland iyo  xawaaladaha gaarka loo leeyahay, ayaa lagu amray in aan wax kharash ah laga saari karin, dhammaan akoomada dowladda laga bilaabo Isniinta maanta ah.

Mudane Siciid Deni ayaa saaka loo doortay madaxweynaha Puntland,kadib markii uu 35-cod ka helay wareegii saddexaad ee doorashada oo uu kula tartamay, Asad Cismaan Diyaano oo isna helay 31-cod. Deni ayaa xilka loo dhaariyay,balse waxa u harsan in uu la wareego

DUNAAY.jpg?resize=720%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Puntland: Madaxweynaha cusub oo xannibay dhammaan kharashaadka dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this