Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid Deni oo durba soo saaray amar culus (Aqri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqadii ugu horeeyey ee uu qabto ka dhigay inuu soo saaro amar culus oo la xiriira hanaanka maaliyadda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa soo saaray wareegtadii ugu horreysay,  waxaana uu joojiyay kharashaadka ka baxaya akoonada hay’addaha dowliga ah ee Puntland illaa amar dambe.

Go’aankan ayaa u muuqda mid uu Deni kaga hortagayo in wax is-daba marin ay dhacdo ama lacag laga lunsado qasnadda dowladda, inta lagu guda jiro xilliga kala wareegga labada maamul.

Hoos ka aqriso amarka madaxweyne Deni

49637411_2322388981325609_16813692126452

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this