Deeq A. Posted January 8, 2019 Garowe, (Qaran news)-Siciid Cabdilaahi Dani Oo maanta loo doortay madaxweynah Shanta sanadood ee soo socda waa kuma Musharax Siciid Deni Hoos ka aqriso Taariikh Nololedka iyo Waxqabadkiisa. Dhalashada iyo Waxbarashada: Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sannadkii 1966-dii ku dhashay magaalada Muqdisho, sannaddii 1972dii wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho, 1980kii ilaa 1984kii wuxuu dugsiga sare ku qaatay Sheekh Xasan Barsane- Muqdisho halka 1986dii ilaa 1990kii uu Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda luuqadaha, 1998 – 2000 Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management). Shaqada Kaddib markay burburtay dowladdii dhexe ee dalka, Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu kamid ahaa aqoonyahankii fara kutiriska ahaa ee dib ugu soo noqday deegaankii la oran jiray gaari waa’ (Puntland), qeyb weynna ka qaaatay, sidii ay uheli-lahaayen bulshadii ku noolayd goboladaas adeegyada bulshada sida waxbarashada , caafimaadka , kor uqaadista ganacsiga wax uuna qayb wayn ka qaatay dib u dhiska Dawladda Puntland. 2.1. Waxqabadka Ururada Bulshada iyo Ganacsiga. Dr. Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1992dii wuxuu noqday madaxii waaxda Howlaha maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuu kamid ahaa aasaasayaasha Hay’adda Kheyriga ah ee Tadamun, oo ah hay’ad ka shaqeysa waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada, haddana gacanta ku haysa in ka badan 15,000 oo arday. wuxuuna Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni ahaa guddoomiyaha Jamciyadda sannadihii 1992 ilaa 1997 Intii u dhaxaysay, sidaas oo kale wuxuu ahaa Asaasihii Dugsiyada Imaamu Nawaawi iyo maamulihii koowaad ee hogaaminayay Dugsiyadaas sannadkii 1992 ilaa 1998dii, iyadoo maanta Imaamu Nawaawi ay Dugsiyadiisu yihiin 22 Dugsi oo 5 kamid ah Dugsi Sare. Dr. Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1994, wuxuu ahaa xubin katirsan Guddiga Waxbarashada Gobollada Waqooyi Bari, ee Soomaaliya, Sannadkii 1996, wuxuu noqday xubin Guddiga Cilmi Baarista ee la shaqeeynayey Hay’adda War-torn Society, oo wax ka qortay heerka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Gobollada waqooyi Bari Soomaaliya. Sannadihii 2002 ilaa 2012, wuxuu xilal kala duwan ee heer Maammul ah kasoo qabtay ururro ganacsi oo kala duwan ay ka mid ahaayeen Ururka Ganacsiga “Waaberi Group—Djibouti”, Guddiga Ganacsatada Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jabuuti, Dubai iyo Oman, sidoo kale wuxuuna heer maamul ah kasoo qabtay shirkado ganacsi oo waaweyn ay ka mid ahaayeen Shirkadda Towfiiq, Shirkadda Sibirka Barwaaqo, African Horn Company (Salalah, Oman) iyo Salalah Macaroni Company, Oman. Sannadkii 2005 Musharrax Siciid wuxuu noqday Guddoomiye ku xigeenka guddiga isku dhafka ee ganacsatada iyo Dowladda, ee loo xilsaaray habeyntii canshuuraha Puntland. 2.2. Waxqabadka Arrimaha Siyaasadda–Heer Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kaddib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka waxa uu ka mid ahaa indheer-garadkii qayb wayn ka qaatay sidii bulshada Puntland u heli laheyd nidaam Dowladnimo oo waara. Sannadkii 1997, waxa uu kamid ahaa ergadii gobolladii la isku oran jiray Bari (Bari, Gardafuu, Karkaar ), kuwaas oo ahaa ergooyinka laf-dhabarka u ahaa aasaaska Dawladda Puntland Sannadkii 2003, waxa uu qayb wayn ka qaatay, dib uheshiisiintii khilaafkii siyaasadeed ee Puntland ka dhacay. isaga oo xubin ka ahaa Guddigga dib-u Heshiisiinta iyo Nabadeynta Puntland. Sannadkii 2008, waxa uu qayb wayn ka qaatay dib uhabaynta dhaqaalaha Puntland isaga oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Guddiga isku-dhafka ee dhawrista ammaanka iyo dib u habeynta ilaha dhaqaalaha ee Puntland. Sannadkii 2009, waxa ka mid ahaa aqoonyahankii loo xilsaaray dib u habaynta Hanaanka maammul ee Puntland oo ahayd tallaabadii ugu mirodhalsanayd ee loo qaado nidaamka dowladnimo Puntland aasaaskii ka dib. Isla sannadkaas 2009 wuxuu noqday La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee Dhinaca kobcinta dhaqaalaha iyo Maalgashiga. 2.3. Waxqabadka Arrimaha Siyaasadda–Heer Federaal Siciid Cabdullah Deni wuxuu noqday Xubin ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaliyeed Sannadkii 2012, waxa uuna qeyb wayn ka qaatay shaqooyinka barlamaanka isaga oo xubin ka ahaa guddiga Deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah. Sannadkii 2014 wuxuu noqday Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya. Intii uu joogay Wasaaradda waxa uu qayb wayn ka qaatay sidii ay Soomaaliya uheli lahayd qorshe horumarineed oo taabagalay. Sannadkii 2017, Musharax Siciid Denni wuxuu ka mid ahaa musharaxiintii u taagneyd doorashadii Madaxweyne-nimada Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 6da musharax ee ugu codadka badnaa. 2.4. Xiriirka Caalamiga Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ka qeyb galay shirar badan oo heer caalami ah iyo kuwo heer Goboleed oo uu ku metelayay dowladda Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ka qeyb galay shirar ku saabsan Horumarinta Ganacsiga oo ka dhacay waddamo kala duwan. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites