Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland Oo doortay Madaxweyne cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. M. Network )-Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhow madaxweynaha cusub ee maamulkaasi u doortay Saciid Cabdullahi (Deni), kadib doorasho ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Saciid Deni ayaa helay 35 Cod ,kaas oo wareegii saddexaad la tartamay General Asad  Cismaan C/laahi (Diano) oo helay 31 Cod.

Sidoo kale waxaa wareega labaad ku haray Faarax Cali Shire oo helay 7 Cod, halka dhammaan Musharraxiinta kalena ay ku hareen wareegii koowaad ee doorashadaasi.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha cusub ee maamulkaasi uu yahay Saciid C/laahi Deni.

Madaxweynaha la doortay oo ah kii shanaad ee Puntland ayaa maamulkaasi hoggaamin doono illaa iyo 2023-ka.

The post Baarlamaanka Puntland Oo doortay Madaxweyne cusub appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this