Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo sheegtay qaraxyo ka kala dhacay gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyo ka kala dhacay magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Kismaayo oo ka kala tirsan gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

War ka soo baxay Al Shabaab, ayaa lagu sheegay in qarax xoogan  lala beegsaday fariisin Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin degmada Beled-Xaawo ee G/ Gedo.

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxaasi uu khasaare ka soo gaaray ciidankaasi, inkastoo aysan shaacin inta uu la’egyahay.

Sidoo kale warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa intaasi ku daraya in qarax kale Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Jubbaland qarax lagula eegtay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxan  ayaa ka dhacay goob fariisin u ah Ciidamada maamulkaasi, sida ay Al Shabaab ku baahiyeen boggagooda  Internet-ka.

Ma cadda illaa iyo haatan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka Jubbaland oo ku aadan qaraxyadaasi.

Inta badan Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah ka fuliya gudaha Soomaaliya.

The post Al Shabaab Oo sheegtay qaraxyo ka kala dhacay gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this