Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Gaari Oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo duhurnimadii maanta ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa mid Gaari lagu soo xiray, kaas oo ka dhacay agagaarka Masjidka Saxaaba ee degmadaasi.

Sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah waxa qaraxaasi ku dhaawacmay 1 Qof oo ahaa Darwalkii waday Gaarigaasi, lamana illaa iyo hadda waxa uu ahaa shaqsigaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu ka badbaaday qof kale oo la socday Gaarigaasi.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha laamaha amniga oo ku saabsan qaraxaasi.

Al Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan ka geysta gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

The post Qarax Gaari Oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this