Deeq A. Posted January 8, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay kulanka guddi hoosaaska golaha wasiirrada ee tubta amniga iyo caddaalada oo looga hadlay qorshaha tubta ee labada sabo ee soo socota. Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa u jeedadiisa ugu wayn ay tahay in la isla garto shaqooyinka u yaalla tubta, gaar ahaan kuwa ugu mudnaanta badan ee la doonayo in sannadkaan gudihiisa lagu fuliyo. Sidoo kale kulankan oo galay maalintiisii labaad ayaa waxaa maanta looga arrinasaday, sidii doorasho qof iyo cod ah loo gaarsiin lahaa Soomaaliya 2020-ka. Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale Ra’iisul wasaaruhu waxa uu la kulmi doonaa guddi hoosaadyada golaha wasiirrada ee tubaha horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda loo dhanyahay si la isula meel dhigo shaqooyinka hor-tebinta leh ee sannadkaan u qorshaysan. XFS ayaa muddooyinkii la soo dhaafay dadaal xoogan ug jirtay dardar gelinta howlaha kala duwan ee horyaalla Golaha Xukuumadda Soomaaliya. The post RW Kheyre Oo guddoomiyay shir ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites