Deeq A. Posted January 8, 2019 Wareega koowad ee doorashada madaxtinimada Puntland ayaa hadda soo dhammaaday,waxaana wareegga labaad u gudbay saddex murashax oo kala ah Siciid Cabdullaahi Deni,Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano iyo Faarax Cali Shire. Murashixiinta u gudbay wareegga labaad ayaa kala helay; Faarax Cali Shire 9-cod, Asad Cismaan Diyaano 17-cod iyo Siciid Cabdullaahi Deni 20-cod,iyadoo haatan ay bilaabanayso codaynta wareegga labaad ee doorashada. Madaxweynaha talada haya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kamid noqday murashixiinta ku haray wareega kowaad isagopo helay 8-cod. PUNTLAND POST The post Puntland: Yaa u gudbay wareegga labaad ee doorashada? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites