Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni oo loo doortay madaxweynaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa loo doortay madaxweynaha dowladda Puntland ee 5-ta sano ee soo socota,kadib markii uu 35-cod ka helay wareeggii seddaxaad ee doorashada.

Asad Cismaan Diyaano oo kula tartamayay wareegga saddexaad ayaa isna helay 31-cod

Weli waxaa harsan doorashada madaxweyne ku xigeenka oo goor dhow bilaabaysa.

Doorashada madaxweyne ku xigeenka waxa ku tartamayaa 11 murashax oo uu ku jiro Cabdixakiin Camey oo hore kursigan u fadhiyay.

PUNTLAND POST

The post Siciid Deni oo loo doortay madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this