Deeq A. Posted January 8, 2019 Balcad ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in xalay duqeyn dhinaca cirka ah ay ka dhacday halkaasi. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday deegaanka Baqdaad oo isku xira degmadooyinkaasi. Ilo dadka dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay jiritaanka duqeyntaasi, inkastoo aan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in duqeyntan lala beegsaday saldhig Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaankaasi. Illaa iyo hadda lama heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyay duqeyntaasi, basle inta badan Mareynka ayaa duqeymo ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Duqeyn diyaaradeed Oo ka dhacday deegaanka Baqdaad appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites