Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn diyaaradeed Oo ka dhacday deegaanka Baqdaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in xalay duqeyn dhinaca cirka ah ay ka dhacday halkaasi.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday deegaanka Baqdaad oo isku xira degmadooyinkaasi.

Ilo dadka dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay jiritaanka duqeyntaasi, inkastoo aan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in duqeyntan lala beegsaday saldhig Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Illaa iyo hadda lama heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyay duqeyntaasi, basle inta badan Mareynka ayaa duqeymo ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

The post Duqeyn diyaaradeed Oo ka dhacday deegaanka Baqdaad appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this