Deeq A. Posted January 8, 2019 Garoowe ( Sh. M. Network )-Golaha wakiilada Puntland ayaa lagu wadaa in maanta Madaxweyne cusub ay ku doortaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku loolamaya illaa 21 Musharrax o daneynaya qabashada xilkaasi. Sidoo kale waxaa xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland u taagan 11 Musharrax oo ku tartami doono doorashadaasi. Qaban qaabadii ugu dambeysa ee doorashadan ayaa saaka si weyn looga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona gudaha Garoowe lagu arkayo Ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga doorashada iyo guud ahaan magaaladaasi. Xaaladda guud ee Puntland ayaa ah mid dagan, iyadoona si aad ah isha loogu hayo doorashadaasi. The post Doorashada Puntland Oo maanta ka dhaceysa Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites