Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Puntland Oo maanta ka dhaceysa Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. Network )-Golaha wakiilada Puntland ayaa lagu wadaa in maanta Madaxweyne cusub ay ku doortaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku loolamaya illaa 21 Musharrax o daneynaya qabashada xilkaasi.

Sidoo kale waxaa xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland u taagan 11 Musharrax oo ku tartami doono doorashadaasi.

Qaban qaabadii ugu dambeysa ee doorashadan ayaa saaka si weyn looga dareemayaa gudaha magaaladaasi.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona gudaha Garoowe lagu arkayo Ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga doorashada iyo guud ahaan magaaladaasi.

Xaaladda guud ee Puntland ayaa ah mid dagan, iyadoona si aad ah isha loogu hayo doorashadaasi.

The post Doorashada Puntland Oo maanta ka dhaceysa Garoowe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this