Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo ballaaran Oo ka socda duleedka Mahadaay

Recommended Posts

Deeq A.   

Mahadaay ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saaka howlgallo xoogan ay ka wadaan nawaaxiga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa ay saraakiisha hoggaamineysa sheegeen in uu yahay mid lagu baadi goobayo kooxo burcad oo dhawaan Gaari ay la socdeen dad rayid ah ku rasaaseeyay duleedka degmadaasi.

Sidoo kale saraakiishu waxa ay tilmaameen in howlgalladani u jeedkooda uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Maalin ka hor ayey aheyd markii Rag burcad ah Gaari Rakaab siday ay ku rasaaseeyeen agagaarka degmadaasi, kaas oo ku sii jeeday Afarta Tuulo.

The post Howlgallo ballaaran Oo ka socda duleedka Mahadaay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this