Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in illaa iyo 6 xubnood ka tirsanaa Al Shabaab ay ku dileen duqeymo cirka ah oo ay diyaaradahoodu kaf uliyeen deegaanka Dheerow Sanle ee gobolka Sh/ Hoose.

Qoraalka ka soo baxay AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeyntaasi oo dhacday Axaddii la soo dhaafay ay ku burburiyeen Gaari ay lahaayeen Al Shabaab,.

Sidoo kale warbixintani ka soo baxday Mareykanka ayaa lagu xusay in aysan jirin wax khasaaro ah oo dadka shacabka ah ka soo gaaray duqeymahaasi.

Mareykanaka ayaa sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab, tan iyo markii Trump uu noqday Madaxweynaha dalkaasi

The post Mareykanka Oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Sh/ Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this