Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Puntland Oo ka bilaabatay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. Network )-Waxaa goor dhow magaalada Garoowe ee xarunta Puntland si rasmi ah uga bilaabatay doorashada guud ee hoggaanka maamulkaasi.

Doorashada oo isugu jirta mida Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa ku loolamaya 21 Musharrax oo u taagan Madaxweynaha iyo 11 u taagan ku xigeenkiisa.

Golaha wakiilada Puntland oo gaaraya illaa 66 Mudane ayaa u codeynaya xubnahaasi isku soo taagay hoggaanka maamulkaasi.

Madaxweynaha cusub ee la dooran doono oo noqonaya kii shanaad ee Puntland ayaa waxaa uu hoggaamin doonaa maamulkaasi 5 sano ee soo socota.

Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha.

The post Doorashada Puntland Oo ka bilaabatay Garoowe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this