Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo bixiyay xog la xiriirta sababta Afmadow ay u geeyay ciidamada ugu badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa bixiyay xog dheeri ah oo ku saabsan sababta ay u tageen magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shaaciyay in maalmihii ugu dambeeyay ay wadeen abaabulka dagaalka Al Shabaab looga saari lahaa degmada Bu’aale oo caasimad u ah maamulkiisa.

Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu sheegay in la dhameystiray dhamaan ciidamadii iyo qorshihii AL Shabaab looga saari lahaa deegaanada maamulka Jubbaland oo hadda ay ku sugan yihiin.

Ujeedada ugu weyn ee ay ciidamada ugu badan u geeyeen degmada Afmadow ayuu ku sheegay inay tahay inay dhabarka ka weeraraan Al Shabaabka ku sugan degmada Bu’aale.

“Waan ku hamineynay inaan nimaado Afmadow, ujeedada aan halkaan u nimid waxay tahay inaan dhabarka ka weerarno Degmada Bu’aale oo cadowga ay heystaan, dhawaan ayaan rajeynaynaa inaan ka saarno”ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday abaabulka ciidamada maamulkaasi si ay Al Shabaab kaga saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this