Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar Oo Laga Dhisay Kaniisada Ugu Wayn Afrika +SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Qahira)Madaxwaynaha Masar Cabdulfatax Al-Sisi ayaa xarigga ka jaray kaniisada ugu wayn ee laga dhiso bariga dhexe oo laga dhisay magaalada Qaahira.

6AB00DE4-2119-418F-AED4-97A241FD6332.jpe 9BBF5DC1-8101-48F8-A0EB-E45B830629E0.jpe

Sisi oo isku tilmaama inuu yahay nin ka difaaca Masiixiyiinta kooxaha xagjirka ah ayaa u sheegay dadkii isugu yimid furitaanka Kaniisadan in hal mar la wada furo masaajidka Al-Fatax Al-Aliim iyo kaniisadan ay tahay fariin nabadeed.

E672BAF9-E7E9-4D31-B635-19CB2085E7A7.jpe 921A6C96-329A-4AD5-A94F-89059ABDD4FC.jpe

Ammaanka xafladda lagu furayay Kaniisadan cusub ayaa aad loo xoojiyey, iyadoo la xiray dhamaan waddooyinka soo gala oo ciidamo ku hubeysan gaadiid gaashaaman.

“Waxaa nahay hal waxaana sii ahaan doonnaa kuwa wadajira,” ayuu yiri Sisi markii uu xarigga ka jarayay kaniisadda cusub oo markiiba qaadi karta 8 kun oo qof.

Hirgalinta kaniisadan ayaa ku soo beegmaysa maalin ka dib markii qarax lala beegsaday meel u dhaw kaniisad ay leeyihiin dadka heysta diinta masiixiga dalkaas ee Qibdhiyiinta loo yaqaano.

Qibdiyiinta ayaa dalka Masar ka ah 10% isla markana dadka reer Masar aqlabiyadooda waa Muslimiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this