Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan DFS oo isku-rasaaseeyay Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi ay isku rasaaseeyeen ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya.

Isku-dhaca ayaa la sheegay inay ka dambeeyay markii cutubyo kamid ah xooga dalka oo la socday gaari ay rasaas ku fureen ciidamo kale.

Lama ogga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay is-rasaaseyntaasi, inkasta oo mas’uuliyiinta ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan.

Inta badan dhacdooyinka noocaan ah ayaa laga soo wariyaa gobolka dalka, iyadda oo ay xitaa mararka qaar ay ka dhacaan magaalada Muqdisho.

The post Ciidamo ka tirsan DFS oo isku-rasaaseeyay Jowhar appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this