Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland Oo dhageystay khudbadaha musharraxiinta maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha wakiilada Puntland ayaa maanta dhageystay khudbadaha Musharraxiinta u taagan qabashada hoggaanka maamulkaasi.

Musharraxiinta oo gaaraya illaa iyo 21 ayaa waxa uu mid kasta ka hadlay barnaamijkiisa siyaasadeed, haddii loo doorto xilka Madaxweynaha Puntland.

Cabdi Faarax Saciid ( Juxa ) wasiirkii hore arrimaha gudaha Soomaaliya, haatan ah Musharrax u taagan Puntland oo ka hor hadlay Baarlamaanka ayaa barmaanijkiisa waxqabad aas aas uga dhigay lix tiir oo kala ah adkeynta amniga, kobcina dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dawliga, horumarinta adeegyada bulshada, raadinta midninmada dadka reer Puntland iyo xoojinta nidaamka federaalka ee dalka.

Sidoo kale Saciid C/laahi Deni oo ka mid ahaa musharraxiinta u taagan hoggaanka Puntland ayaa sheegay in haatan caqabado badan ay heystaan maamulkaasi, loona baahan yahay isbedal adhab ah iyo Qof b ad baadin kara jiritaanka Puntland.

Deni ayaa ballan qaaday haddii loo doorto xilkan in uu mudnaan gaar ah siinayo taabba-galinta Sharciga, si loo helo hay’ado dawli ah oo is kor joogteeya, isuna dheeli tiran.

Sidoo kalena  uu dib-u-qaabeynayo hay’adaha dawliga ah ee Puntland, islamarkaana  uu hir galin doono nidaamka dimuqraadiga ee Xisbiyada Badan sanadka ugu horreeya ee xukuumadda cusub.

Dhankiisa C/weli Maxamed Cali Gaas oo ka hor hadlay Baarlamanka Puntland ayaa ka dalbaday in ay mar kale codka siiyaan, si uu dhameystiro howlaha u harsan maamulkiisa.

Madaxweyne Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in xilligan loo baahan yahan hoggaan daacad ah oo samata bixin kara maamulkaasi.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wadaa in beri oo Talaado ah ay ka dhacdo gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

The post Baarlamaanka Puntland Oo dhageystay khudbadaha musharraxiinta maamulkaasi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this