Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen Oo la kulmay saraakiisha K/ Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Hay’adaha amniga qeybahooda kala duwan ee ka dhisan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Saraakiisha Hay’adaha amniga kala hadlay dardar gelinta amniga deegaanada Koonfur Galbeed,xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab,wxuuna sheegay madaxweynaha iney isla meel dhigeen sidii loo adkeyn lahaa nabad galyada deegaanka iyo la dagaalanka nabad diidka.

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ugu baaqay shacabweynaha deegaanada Koonfur Galbeed iney si hufan ula shaqeeyaan Hay’adaha amniga si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca deegaanada maamulkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada DFS iyo kuwa K/ Galbeed ayaa xoojiyay howlgallada Milatari ee ka socda gobollada Baay iyo Bakool ee K/ Soomaaliya.

The post Lafta Gareen Oo la kulmay saraakiisha K/ Galbeed appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this