Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamo lagu xalinayo khilaafka labada Gole Ee BFS Oo ka bilowday Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Waxaa saacadihii la soo dhaafay kulamo lagu xalinayo khilaafka labada ee Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ka dhaceen M/Muqdisho.

Kulamadan oo ahaa kuwa xariir ah ayaa waxaa bilaabay guddi Xildhibaano ah oo isu xilsaaray xalinta khilaafkaasi.

Ujeedka kulamada ayaa ahaa sidii dib loogu soo celin lahaa wada shaqeynta Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda lama shaacin natiijada ka soo baxday kulamadaasi, inkastoo weli ay socdaan dadaallada loogu jiro, sidii loo soo afjari lahaa xiisadaasi siyaasadeed.

Dhawaan guddoonka Aqalka Sare ayaa hakiyay wada shaqeyntii kala dhexeysay Golaha Shacabka, kadib markii Golahaasi loo gudbin waayay Miisaaniyadda 2019-ka.

The post Kulamo lagu xalinayo khilaafka labada Gole Ee BFS Oo ka bilowday Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this