Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Muhaajiriinta gaaraya Jasiiradda Malta Oo korortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Malta ( Sh. M. Network )-Laanta qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in sanadkii tagay ee 2018 ay sare u kacday tirada Muhaajiriinta ka yimaada Qaarada Afrika ee soo gaara Jasiiradda Malta.

Ismaacil Kahin wakiilka UNHCR dalka Malta ayaa sheegay in sanadkii hore ay Jasiiraddaasi gaareen kumanaan ka mid ah dadka qaxootiga ah ee doonaya in ay galaan qaar ka mid ah dalalka Yurub.

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in Maltaay  aqbashay qaabiilaada 1,182 ruux oo ka mid ahaa dadkii faraha badnaa ee naftooda halista u soo geliyay Badda Medditirean-ka.

Warbixin ay dhawaan soo saartay hay,adda UNHCR ayey ku sheegtay in sanadkii tagay dad fara badan ay ku geeriyoodeen Badda u dhexeyso Talyaaniga iyo Libya.

Muhaajiriinta ugu badan ee U safra qaar ka mid ah dalalka Qaaradda Yurub ayey Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay ka yimaadaan dalalka Soomaaliya, Sudan iyo Eritrea.

Midowga Yurub ayaa wada dadaallo xoogan oo uu ku doonayo in lagu dhimo qul-qulka dadka qaxootiga ah ee alaaba beegsada Qaaradda Yurub.

 

The post Tirada Muhaajiriinta gaaraya Jasiiradda Malta Oo korortay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this