Sign in to follow this  
Deeq A.

Barakacayaasha Muqdisho Oo ka cabanayo Nolol xumo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah dadka Barakacayaasha ah ee ku dhaqan M/ Muqdisho ayaa xilligan ka cabanaya dhibaatooyin dhinaca nolosha ah.

Barakacaayshan oo isugu jira Soomaali iyo Yemaniyiin, kuna sugan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay soo wajaheen daruufo xoogan.

Qoysaskani oo tiradoodu ay gaareyso ku dhawaad labo boqol ayaa xaaladdoodu waxa ay tahay mid aad loo liidato.

Sidoo kale waxa ay baaq u direen dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka oo ay ka dalbadeen in la caawiyo.

Bilihii la soo dhaafay dadkani ma helin wax caawimaad ah, ama gargaar ah, taas oo saameyn daran ku yeelatay noloshooda.

The post Barakacayaasha Muqdisho Oo ka cabanayo Nolol xumo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this