Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Dhegaysiga khudbadaha murashixiinta oo soo geba-gabooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhegaysiga khudbadaha murashixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland, ayaa haatan ku geba-gaboobay xarunta Golaha wakiilada dowladda Puntland ee magaalada Garoowe.

Xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Puntland ayaa tan iyo subaxnimadii hore ee saaka dhegaysanayey, khudbadaha ay jeedinayan murashixiinta xilka madaxtinimada Puntland oo isu’gu jira 21 murashax madaxweyne iyo 11 murashax madaxweyne ku xigeens,si ay u kala saaraan 32-da murashax ee u tartamaya 2-da jago ee madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Murashixiinta khudbadaha jeedinayey ayaa dhankooda ku tartamayey, kala jeedashada 66-da mudane ee codka la weydiisanayo,iyadoo maalinta berri ah ee ku beegan 8-da Jannaayo la qorsheeyay doorashada madaxtinimada Puntland.

Khudbadaha ayaa u badnaa arrimaha amniga, dhaqaalaha,la’dagaallanka musuq maasuqa,hirgelinta axsaabta badan,arrimaha bulshada,shaqa-abuurka,mushaharsiinta shaqaalaha iyo ciidamada,soo celinta xuduudaha maqan ee Puntland,xoojinta nidaamka dowliga ah iyo qodoba kale.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Dhegaysiga khudbadaha murashixiinta oo soo geba-gabooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this